Milkiilayaasha hotelada iyo maqaayadaha oo loga digey u qidmeynta xubnaha alshabab

0
560

Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qoraal kasoo saartay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka, iyada oo Shacabka ugu baaqday inay ka feejignadaan weerarada Al-Shabaab.

Qoraalka Wasaaradda Warfaafinta oo aad u dheer ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranka iyo shacabka oo is garabsanaya ay si xawli ah guulo uga gaarayaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isla markaana laga dilay in ka badan 200 oo Xubnood, sidoo kalena guulo laga gaaray degaannadii lagu dagaalamay ee Galmudug iyo HirShabelle.