Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, sida uu shaaciyey wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel oo qoraal soo dhigay twitter-ka.
Yemane Meskel ayaa sheegay in Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ay garoonka diyaaradaha Asmara uu kusoo dhoweeyey madaxweyne Isaias Afwerki, wuxuuna intaas ku daray inuu dalkaas joogi doono muddo afar maalmood ah.
Madaxtooyada ayaa ujeedka safarkan ku sheegtay mid uu Madaxweyne Xasan Sheekh mudnaan ku siinayo Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo kor u qaadidda doorka dalalka gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.
Safarkan ayaa ah kii labaad ee madaxweynaha uu ku tago dalka Eritrea tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May, ayada oo safarkii koowaad uu dhacay 9-kii July 2022.


