Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhowaaqday inay xirtay dhowr akoon oo kooxda Al-Shabaab ay ku laheyd bankiyada iyo xawaaladaha dalka.
Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in dowladda ay heshay in ka badan 10,000 oo farriimo oo shacabka ka yimid kuwaas oo ku saabsan akoono ay adeegsanayeen mintidiinta.
AL-Cadaala ayaa sheegay in dowladda ay bankiyada iyo shirkadaha xawaaladah ku amartay inay xayiraan lacagta ku jirta akoonadaas, inkasta oo uu sheegay inta le’egtahay.
Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa VOA u sheegay in tallaabada lagu xiray akoonada kooxda Al-Shabaab ay aheyd mid loo qaaday dhanka wanaagsan. Hase yeeshee, wuxuu intaas ku daray, in kuwii Al-Shabaab u fududeeyey inay adeegsadaan bankiyada la maxkamadeeyo.
Cabdullaahi Goodax Barre ayaa soo jeediyey in dowladda ay maalgeliso dhismada awoodda hay’adaheeda baaritaanada si ay si wanaagsan ugu raad raacdo qulqulka lacagaha argagixisada.
