
Maamul gobolleedka Puntland ayaa warsaxaafadeed ay ku diideydeyso gudi wasiiro isku dhaf ah oo uu dhawaan madaxweyne xasan sheekh u magacaabey lateliyeyaashiisa dhinaca qandaraaska Shidaalka Dalka.
Afarta Wasiir ee Xasan Sheekh Maxamuud magacaabay ayaa waxay kala yihiin Xasan Macalin, Axmed Fiqi, C/risaaq Cumar iyo Cilmi Maxamuud Nuur, waana Wasaaradaha Maaliyada,Dastuurka,Shidaalka iyo Arimaha Gudaha.
Maamulka Puntland ayaa sheegtey in magacaabista loo marey si qaldan islamarkaana ay u aragto mid fadhi laga yeesho ka hor inta aan la dhaqan gelin howshaasi.


