Madaxweynaha oo sheegay inuu kasoo horjeedo cid kasta oo gacan ka geysaneysa gooni isu taaga somaliland

0
419

Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay inay dowladdiisa kasoo horjeedo wax kaste ah oo gacan ka geysanaya gooni isku taaggaa Somaliland.

Madaxweynaha oo la hadlayay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka ayaa sheegay inay dib usoo celinayaan wada hadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland. Wuxuu tilmamaay inuu dadaal kasta ku bixinayo in wada hadalku uu horey u socdo, si meesha la joogo horey looga socdo.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay inuu horey u diiday gooni isku taaga Somaliland. Wuxuuse sheegay inay fursad u siiyeen Somaliland inay iyagu keenaan fursad kasta oo dib loogu midoobi karo.