Qaramada midoobey oo ka digtey lixaadka ay leeyihiin abaaraha ku dhufan doona deegaano ka tirsan koonfur galbeed

0
221

Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ee arrimaha Bani’adannimada oo soo saaray warbixin ayaa sheegay in xaaladda abaaraha ee ka jira Soomaaliya ay marayso heerkii ugu adkaa.

Martin Griffiths oo sheegay inay arrintaan walaac ku heyso ayaa si gaar ah uga hadlay deegaanno dhaca Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Baay oo uu sheegay inuu yahay gooha ugu daran ee abaartu sida weyn u saameysay.

Warbixinta kasoo baxday Martin Griffiths ayaa lagu xusay degmada Baydhaba iyo Buurhakaba oo ka tirsan gobolka, waxaana hadalkiisa uu sii raaciyay in xaaladuhu kasii dari karaan bilaha soo aadan haddii aan la qaadin tallaabooyin deg deg ah.

Martin Griffiths oo hadalkiisa siiwata waxaa uu sheegay in xaaladda abaaraha ee Soomaaliya ay lamid tahay middii 2010 ilaa 2011 ku dhuftay gayiga Soomaaliyeed wuxuuna sheegay inay hadda halis badan tahay kuwii hore

Gabagabadii hadalkiisa waxaa uu ku sheegay in abaaraha ay sababeen sidoo kale in ka badan Milion caruur Soomaaliyeed ay lasoo darisi karto xaalada nafaqadarri ah marka la gaaro bisha October 2022