
Baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug ayaa muddo xileedka Madaxweynaha Galmudug ka dhigay 5 sano, oo ka bilaabaneysa markii la doortay.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa ku biiraya madaxweynayaasha Koonfur galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland, kuwaas oo min hal sano ku kororsaday muddo xilleedkooda, iyagoo u marayay mooshino la horgeeyay barlamaanadooda.
Illaa iyo hadda dowladda Soomaaliya ma aysan cadeynin mowqifkeeda ku aadan muddo korarsiga madaxweynayaasha dowlad goboleedyada sameeyeen.
Khilaaf ayaa hadda ka taagan muddo kororsiga maamul goboleedyada, iyadoo siyaasiyiin iyo xildhibaanno kasoo jeeda maamuladaas ay dowladda federalka ku cadaadinayaan inay sharci darro ku tilmaamto waqti kororsiga madax-weynayaasha dowlad goboleedyada.
