Wefdi uu hogaaminaayo gudoomiyaha gobolka shabelaha hoose oo kulan u tegey magalada baydhaba

1
656

Wefdi uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibrahim Aadan Cali ( Najah) ayaa magalada baydhaba kaga qeyb galaya kulan looga hadlayo aminiga gobolada uu ka kooban yahay mamaulka koonfur galbeed.

Wefdiga uu gudoomiyaha hogaaminaayo ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiye ku Xigeenka Gobolka iyo Guddoomiyaasha 8-da degmo ee ka koban yahay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kulanka ka furmay magalada baydhaba ayaa waxaa soo qababn qaabiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed waxaana diirada lagu saaridoonaa amniga, xaaladda abaaraha iyo horumarinta deegaannada Koonur Galbeed, waxaana shirka ka qeybgalaya dhammaan guddoomiyaasha degmooyinka gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Geba-gebada shirka ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro qodobo xasaasi ah oo la xiriira dhanka Amniga Gobolka Shabellaha Hoose oo weerarada ugu badan ay ka geystaan Al-Shabaab iyo waxka qabashaha abaaraha.

1 COMMENT

Comments are closed.