
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo qorsheysan oo ay ciidanka dowladda Soomaaliya ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan dhulka howdka ah ee ku yaala gobolka Sh/hoose.
Deegaanada ciidanka howlgalada ka sameeyeen ayaa ah deegaano u dhaxeeya Nambar 50 iyo Gandarshe oo ay Al-shabaab ku lahayeen fariisimo waa weyn iyo Maxkamado ay dadka qaar u garsoor doontaan.
Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda ee howlgaladaasi qorsheysan fuliyay ayaa sheegay iney burburiyeen fariisimihii ay Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanada ku yaala dhulka Howdka ah oo ay ka mid yihiin Maracadde, Ceelsaliini, Qodqodka iyo deegaano kale.
Howlgalada ciidamadaan ay ka sameeyeen deegaanada u dhaxeeya Gandarshe iyo Nambar 50 ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay xoojisay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo maalmahii lasoo dhaafay si weyn uga socday deegaano badan oo ku yaala gobolada Hiiraan.
