
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shalay furay madaxweynaha Dowlada ederaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galay maalintiisii labaad, kaasoo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka iyo wada-shaqeynta labada dhinac.
Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-galaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, Madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Jubbaland, Koonfur-galbeed, Galmudug, HirShabelle, Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa isaguna shirka kaga qeyb-galaya aaladda fogaan aragga.
Intiisa badan waxaa shirkan diirada loogu saarayaa saddex qoodb oo kala ah; 1-Sugidda amniga dalka, 2- Wax ka qabashada saameynta abaaraha dalka ka jira 3-Iyo la dagaalanka argagixisada, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo saartay Villa Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in shirka maanta la soo xirayo, ayada oo laga soo saari doono war- murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wadahadlayaan madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka oo uu maalmihii dambe mad-madow soo kala dhex-galay.
