Qarax goor dhaweyd ka dhacay suuqa qudaarta ee degmada afgooye

0
440

Qarax xoogan xoogan ayaa maanta ka dhacay degmada afgooye kaasoojugtiisa laga maqlayey inta badan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa lasoo warinaya inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay suuqa Qudaarta degmada Afgooye, gaar ahaan goob ay ka fariisan jireen ciidanka dowladda ee suuqaasi Canshuurta ka qaada.

Qof goobjooge ahaa oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, balse uusan xaqiijin karin inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga, maadama qaraxa uu dhacay goordhaw.