
Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka, waxaana Muqdisho ku wada sugan madaxweynayaasha maamul goboleedyada marka laga reebo madaxweynaha Puntland oo aan wali Muqdisho soo gaarin.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la sheegay in diirada lagu saarayo arrimo ay ka mid yihiin Amniga, Abaaraha, La dagaalanka Al-Shabaab iyo xoojinta xiriirka dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, islamarkaana madaxda labada dhinac ay isaga xog wareysaneysan doonaan xal u helista caqabaha xiligaan taagan.
Saacadahii lasoo dhaafay waxaa kulamo gooni gooni ah oo gogol xaar usii ahaa shirka Maanta lagu wado inuu Muqdisho ka furmo uu dhexmaray madaxda Federaalka iyo Kuwa maamul goboleedyada dalka.