
Ciidanka xooga dalka Soomaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka oo weli howlgallo ka wada degaano katirsan Gobolka Hiiraan ayaa saacadihii la soo dhaafay Al-Shabab ah kala wareegay deegaano dhowr ah oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan.
Howlgalka oo la qaaday xalay Saqdii Dhexe ayay Ciidamadu kula wareegeen degaannada Xarar-lugoole iyo Fidow oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan, Isla markaana ku yaalla wadada xiriirisa Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgallada ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen Ururka Al-Shabaab, Isla markaana howlgallada ay sii wadi doonaan.
