
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadka degaannada Gobolka Hiiraan oo weli howlgallo ka wada meelo kamid ah gobolkaas ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kula wareegeen degaano dhowr ah oo ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo ay wehliyeen Xildhibaan Cabduqadir Maxamuud Awbakar Dhagaweyne qaar kamida Hoggaamada Dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ee Guutada 5-aad iyo Ciidanka Gorgor ee xooga Dalka soomaaliyeed ayaa gaaray degaanka Xasan Raqay oo lagala wareegay Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo wada Gulufka Howlgallada ka dhanka Ah Al-Shabaab ayaa xusay in degaannada lagala wareegay Al-Shabaab laga abuuri doono Adeegyada muhiimka ah ee Bulshada iyo maamul Dadweyne si Shacabka u helaan waxyaabo horumarin kara naftooda Maadaama ay dagaal kula jiraan Al-Shabaab.
