
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya, General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa shacabka uga digay inay caddaalad u raadsadaan maxkamaddaha Shabaabku leeyihiin.
Taliyaha ciidanka Booliiska ayaa sheegay inay ciidanka dowladdu cagta mariyeen maxkamaddii Shabaab ee Basra ee shabeellada dhexe, halkaas oo uu sheegay inay dadka ku dhibaatayn jireen oo ay ka qaadi jireen lacago baad ah.
Gen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa ugu baaqay cid kasta oo laga soo waco deegaannada Alshabaab inay laamaha amniga kusoo wargaliyaan. Wuxuu sheegay qofkii aada oo ay dowladdu ogaato inay iskugu mid yihiin isaga iyo Alshabaab.
Ugu dambayn wuxuu taliyuhu sheegay in howlgalkii shalay ciidamadu ka fuliyeen Basra uu kaga geeriyooday hal askari iyo dhaawaca mid kale. Wuxuu ku tilmaamay howlgalkii ugu horreeyay ee nuuciisa ah oo ay kula wareegeen saldhiggii Shabaab dadka ku cabsi galin jireen.
