
Wararka aan ka heleyno degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay qarax xoogan oo geystey qasaaro.
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay Xaafadaha degmada Baraawe ayaa waxaa uu ka dhacay Busjeedada laga raaco Gaaddiidka aada dhinaca degaanka Kuunya-barow, waxaana xilliga qaraxa uu dhacayay ay aheyd Goobta mid mashquul badan.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa oo ahaa miinada dhulka la dhigo oo meelaha fog fog laga hago uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dad Shacab ahaa oo goobta ku sugnaa.
