Qaramada midoobey oo ka digey macluusha ay keeni doonto abaaraha ka jira somaliya

0
339

Isku duwaha gargaarka degdega ah ee Qaramada Midoobay, Martin Griffiths, ayaa ka digay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay macluul, taasoo uu sheegay inay wacan tahay abaartii ugu xumayd ee dalka soo marta afartan sano kadib.

Hal milyan iyo bar carruur ah oo ku nool Soomaaliya ayaa wajihi doona nafaqo-xumo ba’an bisha soo socota, haddii xaaladdu ay sii socoto oo aan wax laga qaban, ayuu tiri Griffiths.

Marka loo eego warbixinta falanqaynta haqab-beelka cuntada iyo nafaqeynta ee Soomaaliya, oo sidoo kale la sii daayay Isniintii shalay, ilaa 7.1 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya oo dhan, ayay abaartu aad u saameysay.

Dadkan waxay u baahan yihiin gargaar deg-deg ah, oo dhinacyo badan leh si loo daweeyo loogana hortago nafaqo-xumada ba’an loona yareeyo tirada sii socota ee dhimashada.