
Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo kusoo bandhigay Ciidamo aad u farabadan, kuwaas oo maamulku sheegay in loogu talo galay inay la dagaalamaan ururka Al-Shabaab.
Ciidamadaan oo dhawaan uu tababar ugu soo xirmay magaalada Baydhabo ayaa waxaa Xarunta Madaxtooyada kula hadlay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Koonfur Galbeed Isaaq Cali Isaaq ayaa u sheegay inay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay in Ciidamadan loogu talo galay inay bilaabaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kaas oo laga fulinayo dhammaan waddooyinka iyo degmooyinka u go’doonsan Ururka Al-Shabaab.
Si kastaba ha ahaatee gobolada iyo degmooyinka maamulka koonfur galbeed ayaa ah kuwo aan laisaga gooshi karin isla markaana u xiran kooxo burcad ah iyo cidamada alashabab taasoo shacabka ku dheqan deegaanada koonfur galbeed ku kalifta inaysan inta badan isticmaalin.

