
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sheegay in uu murugada la qeybsano ehelada dadkii ay jeclaayeen ku waayay musiibada ka dhacday Gobolka Hiiraan halkaas oo Al-Shabaab ay ku xasuuqeen dad shacab ah oo ay ku jiraan carruur aan waxba galabsan.
Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha Jubbaland ayaa wuxuu ugu baaqay bulshada gobolka Hiiraan inaysan ka niyad jabin dadaaladii ay zida iskood ah u wadeeen ee la xiriiray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
“Habka kaliya ee Argagixisada aan kaga adkaan karo waa in la qaado howlgalo midaysan oo ay u dhan yihiin Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah iyo istiraatijiyad amni oo midaysan ayuu hadalkiisa kusoo geba-gabeeyay Madaxweynaha Jubbaland.
Madaxda ugu sareeysa dalka ayaa cambaareeysay weerarkii dadka Shacabka ahaa lagu dilay Gaadiidkana lagu gubay ee ka dhacay inta u dhaxeeysa Magaalada Beledweyne & degmada Maxaas, iyaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay deg deg uga jawaabi doonto.
