
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo aroornimadii hore ee Saakay ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab deegaanka Basra oo u dhaxeeya degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka kala tirsan gobolada Sh/hoose iyo Shabeelaha dhexe.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Haramcad iyo NISA ay weerar xoogan ku qaadeen deegaanka Basra oo ka mid ah meelaha loogu xukun tago Maxkamadaha Al-shabaab.
Dagaalka dhexmaray Al-shabaab iyo ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh inkastoo aanan la xaqiijin karin inta uu dhan yahay khasaaraha kala gaaray labada dhinac.
Saraakiil u hadashay ciidanka weeraray deegaanka Basra ayaa sheegay iney weerarka ku dileen horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab ayna burburiyeen Maxkamadii Shabaab ee deegaanka Basra, islamarkaana ay halkaasi kasii daayeen dad u xirnaa Al-shabaab.
