Gudoomiyaha baarlamaanka oo kula la yeesha qaar kamid jaaliyada somalida ee koonfur africa

0
492

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay guddi iskugu jira ganacsatada iyo Gudoonka Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Guddoomiyaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo Jaaliyadda ku nool dalka Koonfur Afrika uga mahadceliyey kulankaan islamarkaana kula dardaarmay in isku xirnaan iyo midnimo muujiyaan.

Qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed & Ganacsatada ayaa Guddoomiyaha siiyay warbixin la xiriirta dhibaatooyinka dilalka ah ee loo geysto Soomaalida, iyaga oo ugu baaqay in dowladda Soomaaliya ay waxka qabashada dilalka kala hadasho dowladda Koonfur Afrika.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa ganacsatada iyo guud ahaanba Soomaalida ku nool Dalka koonfur Africa kula dardaarmay in ay qayb ka noqdaan caawinta dadka ay saameeyeen abaaraha baahsan ee ka jira dalka.