
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaamjnaayay oo magaalada Tunis ee dalka Tunisia uga qeyb galay shirka Tokyo ee horumarinta Qaaradda Afrika ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Raysal wasaare Xamse iyo wafdigiisa ayaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay xubno ka mid ah Golahiisa wasiiradda, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Rayaal wasaaraha Soomaaliya maalmaha uu joogay dalka Tunisia uu la kulmay masuuliyiin kala duwan oo ka qaybgashay shirka TICAD8 iyo madaxda waddanka ee martigelisay shirka.
Wasiirka 1-aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa madaxdii uu la kulmay waxa uu kala hadlay in ay ka gacansiiyaan dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, xaaladaha bani’aadamnimo iyo taageerista dowladda Soomaaliya.