Reysulwasaaraha oo magalada tunis kulan kula qaatey gudoomiyaha ururka midowga africa

0
202
6

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Tunis ee caasimada waddanka Tuniisiya ayaa kulan doceed la yeeshay guddoomiyaha guddiga Ururka Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay arrimo ka mid yihiin sidii loo adkeyn lahaa xiriirka iyo iskaashiga haatan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo ra’iisul wasaaruhu ka dalbaday Midowga Afrika xoojinta howlgalkooda Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kooban ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabddi Barri.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda kala duwan ee ka qayb-galeysa shirkaas, isaga oo kala hadlay arrimaha gaarka ah ee Soomaaliya.