
Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB Gaar ahaan Ururka 7aad Guutada 16-aad ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle.
Howlgalka oo ahaa mid Amniga lagu xaqiijinayay ayaa laga sameeeyey degaanada kala ah Gamboole, jameeco jiliyaale & Ceel cade kuwaas oo hoostaga magaalada jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa sheegay inay dhammaan xaqiijiyeen amniga degaannadii ay howlgalka ka sameeyeen, halkaas oo mararka qaar lagu arki jiray Xubno katirsan ururka Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalkan oo qeyb ka ah howlgalalda Guud ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii wadi doonaan ilaa degaannada Gobolka Shabeellaha dhexe amnigooda ay ka xaqiijinayaan.
