
Wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka goboleedka Galmudug ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey dagaal beeleedyo dib uga soo cusboonaaday qaybo ka mid ah waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia.
Falagle oo u warramay warbaahinta ayaa marka hore waxa laga xumaado ku tilmaamay dagaalladaas oo u dhexeeyey beelo ka soo kala jeeda Cadaado iyo Caabudwaaq.
Wasiirka ayaa tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen dagaalladaas, isaga oo ku dhaawac ahna u rajeeyey caafimaad deg-deg ah.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka maamul ahaan ay qaadeen tallaabo looga hortegayo xiisaddaasi, isla-markaana ay ciidamo kala dhex-dhigeen maleeshiyaad diriray.
Wasiirka warfaafinta Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa ka warbixiyey waxa ay salka ku heyso xiisaddaan, wuxuuna tilmaamay in biyo iyo dhul daaqsimeed la’isku qabtay.
