
Wararka aynu ka heleyno degmada Xamar jajab ayaa sheegaya in Tiro hoobiyeyaal ah ay ku soo dhaceen nawaaxiga iskool Poluusiya Xaafddaha ku yaalla.
Dadka kunool Xaafaddaha Hoobiyeyaasha ay kusoo dhaceen ayaa waxa ay sheegeen in Shan madfac ay soo dhaceen kuwaasi oo siyaabo kala duwan ugu dhacay goobahaasi.
Dad isku qoys ahaa ayaa ka mid ah dadka waxyeelada ay soo gaartay, maadaama hoobiyaha uu ku dhacay gurigooda sida dadka degaanka ay xaqiijiyeen.
