weerarkii alshabab ay ku qaadey hotel xayaat oo ay dad badani ku dhinteen

0
562

Ugu yaraan 14-qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarka ay dagaalamayaal katirsan Al-shabaab ku qaadeen hoteel Xayaat oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda federaalka ayaa wali ku howlan sidii ay u soo afjari lahaayeen Alshabaabka dhex dagaalamaya hoteelka iyadoo weli la maqlayo rasaas iyo qaraxyo xooggan.

Qeybaha sare ee hotelka ayaa waxaa gaaray burbur xooggan, iyadoo ciidamada amnigu ay qarxiyeen miinooyin Alshabaab ku xireen gudaha hoteelka, taasoo adkaysay in ciidamadu u dhawaadaan dableyda Alshabaab.

Dadka ku geeriyooday weerarkan waxaa kamid ah, Cabdiraxmaan Xasan Iimaan oo ahaa milkiilaha hoteel Xayaat. Sidoo kale Cabdihadi Maxamed Sheekh Aadan oo Soomaali-Norwegian ah oo la shaqeynayay Wasaaradda Batroolka ee dowladda Federaalka ayaa ku geeriyooday.