Wasiirka diinta iyo awqaafta oo ku baaqey in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka alshabab

0
582

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo ay dhinacyadiisa fadhiyeen qaar ka mid ah Culimada Muqdisho ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dhibaatada Al-shabaab ay ka geysteen Hotel Xayaat iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Mukhtaar Rooboow ayaa sidoo kale tilmaamay in dadka Soomaaliyeed oo kaashanaya dowladdooda iyo Culimadooda looga baahan yahay iney wajahaan Al-Shabaab, taasina ay keeni doonto in Al-Shabaab fursad u waayaan weerarada ay ka geeysanayaan gudaha dalka.

Wasiir Rooboow ayaa hadalkiisa sii raaciyay in qof walba laga rabo in uu difaacdo naftiisa iyo malkiisa, islamarkaana loo midoobo la dagaalanka Al-Shabaab, isagoona tusaale ugu soo qaatay sida ay ugu midoobeen dadka degan gobolka Hiiraan iyo deegaanada Galmudug oo u kacay la dagaalanka Al-shabaab.