
Alle ha u naxariistee waxa maanta Magaalafa Hargeysa ku geeriyooday Abwaankii waynaa ee Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi.
Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa la sheegay in uu la jiifay xanuun haayay, balse ugu dambeyn uu Maanta geeriyooday.
Qaar kamid ah Ehelladiisa ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay geerida Abwaankii waynaa ee Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi, iyaga oo sheegay in dhawaan la Aasi doono.