
Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano ( AFRIOM) ayaa waxaa lagu faah faahiyay duqeyn dhinaca cirka ah oo diyaaradaha mareykanka ay la beegsadeen Saldhiyo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo kuyaalla degaanka teedaan ee Gobolka Hiiraan.
Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in, iyada oo la kaashanayo Ciidamada dowladda Soomaaliya taliska Maraykanka ee Afrika uu qaaday 14-kii Bishaan weerar cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab oo kusoo weeraray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed meel u dhow degaanka Teedaan ee Gobolka Hiiraan.
Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa weli ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab si looga hortago weerarada dhimashada dadka rayidka ah oo ay ka geystaan Soomaaliya.
