
Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Odowaa Yuusuf Raage ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo ay ciidamada Xoogga dalka ka fuliyeen duleedka deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hooose.
General Odowaa oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka oo ka dhacay tuulada Kili-Jiido oo hoostagta Janaale lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa xaqiijiyey in howlgalkaasi lagu dilay ugu yaraan illaa 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, isla-markaana ay dhaawaceen 13 kale.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay kooxda Al-Shabaab ka soo furteen hub fara badan, ayna burburiyeen fariisimo ay ku lahaayeen halkaasi.
Waxa kale oo uu tilmaamay in ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
