America oo markii ugu horeysay ka hadashay doorashadii ka dhacdey dalka kenya

0
316

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dadka Kenya inay deganaansho iyo dulqaad muujiyaan kadib markii lagu dhowaaqay in William Ruto uu ku guuleystay doorashada madaxweyne, balse uu natiijada ku gacan sayray musharaxii laga adkaaday Raila Odinga.

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ka wada shaqeeyaan in si nabad ah loo xaliyo walaaco kasta oo harsan oo ku saabsan doorashada ayada oo loo marayo marinada lagu xailiyo muranada ee jira,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price

“Waxaan weydiisaneynaa dhammaan hoggaamiyayaasha xisbiyada siyaasadda inay sii wadaan inay taageerayaashooda ugu baaqaan inay nabadda ilaaliyaan ayna ka fogaadaan rabshadaha inta uu socdo hanaanka doorashada,” ayuu yiri.

Labada musharax ayaa waxaa u dhaxeeyey codad dhan 230,000 ama wax ka yar 2% tirade guud ee codadka la dhiibtay.