
Shir aan caadi ahayn oo uu shir guddoominayay raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa lagu magacaabay guddiga qaran ee gurmadka abaaraha oo ka kooban golaha wssiirada iyo culimada, ganacasatada iyo bulshada rayidka
Guddigan iyo hay’adda maaraynta musiibooyinka oo dib loo howlgaliyay ayaa la siiyay waajibaad iyo awaamiir cad iyo in guud ahaan hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aan ahayn u jiheysmaan sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyaan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa baaq u diray qof walba oo Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo inuu ka qaybqaato gurmadkan degdegga ah.
Waxaa sidoo kale loogu baaqay hey’adaha caalamiga inay si dhow ula shaqeeyaan xafiisyada dowladda ee ku hawlan arrimahan degdegga ah.
Guddiga Heer Qaran ee uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha XJFS waxay ka kooban yihiin:-
- Ra’iisul Wasaar Ku-Xigeenka
- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta
- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta
- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada
- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
- Wasiirka Maaliyadda
- Wasiirka Bii’ada iyo Isbadalka Cimilada
- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
- Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka
- Wasiirka Amniga Gudaha
- Wasiirka Gaashaandhigga
- Wasiirka Tamarta iyo Biyaha
- Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha
- Culimada Soomaaliyeed
- Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha
- Ururada bulshada Rayidka