Wasaarada waxbarahada oo maanta shaaciyey natiijada intixaanaadka dugsiga sare

0
865

Wasaaradda Waxbarashada iyo hidaha iyo taliinta sare ee dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa ay ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada sare ee 2021/2022.

Wasaaradda ayaa horay ugu diiwaangelisay inay imtiaanka galayaan 34,469 oo ardayda, balse waxaa u fariisatay 33,468 oo arday, sidaas waxaa uga haray imtixaanka oo aan gelin ama u fariisan 1,001 Arday.

Wasaaradda Waxbrashada ayaa ku sheegtay in tirada baastay imtixaanka guud ee shahaadiga ee fasalka 12-aad sanad dugsiyeedkii tegay uu yahay 32,325 arday oo u dhiganta 97%. halka y imtixaanka ku dhaceen 1143 arday oo u dhiganta 3%.

Ardayda sanadkaan ku dhacay imtixaanka ay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ka qaaday Iskuulada kuyaalla gobolka Banaadir & dowlad Goboleedyada ayaa waxaa ay kala joogaan.

1- Godbolka banaadir 1.100 ayaa kadhacdey
2- Deegaanada Koonfur Galbeed 24 arday ayaa dhacday.
3- Galmudug 7 arday ayaa dhacday.
4- Jubbaland 6 arday ayaa dhacday.
5- HirShabelle 6 arday ayaa dhacday.