Diyaarado drons ah oo duqeymo ka geystey tuulooyin hoos taga degmada awdheegle

0
420

Diyaarado dagaal oo loo maleeynayo in ay leedahay dowladda mareykanka ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay duqeymo diyaaradeed ka geysteen degaano hoostaga degmada Awdheegle oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana duqeymahaas ka dhashay khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in diyaaradaha dagaalka ay beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan ururka Al-Shabaab oo ku yaalla meel u dhow Tuulada Nuungare oo hoostagta degmada Awdheegle balse asyan xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay.

Xogaha la helay ayaa sheegaya in duqeymaha qaarkood lagu burburiyay Mootooyin ay lahaayeen xubno katirsan Al-Shabaab, iyada oo dadka degaanka duqeynta ay ka dhacday ay sheegeen inay siwyen u maqlayeen dhawaqa madaafiicda duqeynta.