Wasiirka arimaha gudaha oo ka hadley shaqooyinka ugu horeya oo uu qaban dooono

0
296

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya waxqabadyada ugu horeeyo ee laga doonayo ay ka mid tahay soo xirista Maxkamadaha Al-shabaab oo ay ugu horeyso mida ay ku leeyihiin deegaanka Basra ee duuleedka degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in dowladda Fedaraalka ay waajib ku tahay baabi’inta Maxkamadaha Al-shabaab, islamarkaana muddo laba sano gudaheed ay noqon doonto mid wax la iska weydiin doono.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiir Axmed Macalin Fiqi in dadka Soomaaliyeed ay xiligaan u baahan yihiin inay helaan cadaalad, taasina ay ku imaan karto in laga yareeyo lacagaha tirada badan oo ay ka qaadaan maamulka gobolka Banaadir iyo Maxkamadaha ka howlgala dalka.

Hadalkaan kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya xili shacabka Soomaaliyeed intooda badan ay u cadaalad doontaan Maxkamadaha kala duwan ee Al-shabaab ay ku leeyihiin gudaha dalka.