Wasiirka diinta iyo awqaafta oo ka hadley qaabkii wasiir loogu magacaabey isagoo xabsi guri ku jira

0
371

Wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta dowladda federalka Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa ka hadlay habkii isagoo maxbuus ah uu uga mid noqday golaha cusub ee wasiiradda Soomaaliya.

Mukhtaar Roobow ayaa caddeeyay in isagoo maxbuus ah oo xabsi ku jira looga yeeray xafiiska raysal wasaaraha, loona magacaabay wasiirka diinta iyo awqaafta Soomaaliya.

Wasiir Roobow wuxuu sidoo kale beeniyay inuu isagu codsaday in xil loo magacaabo. Wuxuu sheegay dowladda cusub inay xoogga saarayso xoojinta arrimaha diinta, culimaduna ay hormuud ka noqon doonaan howshaas.

Wuxuu cafis iyo wada shaqayn ka codsaday culimada Soomaaliyeed, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay inuu ka dhacay qalad, haddana uu diyaar u yahay inay culimadu hagayaal u noqdaan wasaaradda loo magacaabay.