Qoor qoor oo sheegey in galmudug ay u baahan tahay amni iyo xasilooni si loo maal gashto

0
296

Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay in dad Reer Galmudug ay u baahan yihiin waxkasta oo keeni kara in uu horumaro Maamulkooda.

Wuxuu sheegay in dal waliba ama degaan kasta markii la doonayo in la maalgashado laga fiiriyo xasiloonidiisa siyaasadeed, Isla markaana reer Galmudug u baahan yihiin xasilooni siyaasadeed & mid amni.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray Qoor Qoor in dadka looga baahan ay noqdaan kuwa u hoggaansama sharciga si Galmudug ay u noqoto meel dadka ku kalsoon yihiin.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug wuxuu sheegay in dadka wax heysta uu ugu baaqayo inay u soo gurmadaan dadka walaalahoida ah ee abaartu ku heysato degaannada Maamulka Galmudug.