
Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa uu sheegey ineysan macquul ahayn in dowladda Soomaaliya ku aruurto waddada Maka Almukara, xilli Muqdisho inteeda kale uuu sheegay inay ammaan tahay oo aysan cabsina ka jirin.
Raysal wasaaraha oo ka qeyb galayay kulan lagu soo dhoweynayay xukuumadiisa ayaa yiri,” Ma waxaan dowlad ku noqonay Makal mukarama. Hadda Airport-kii baa la dhex galay. Waxaan ka cabsanayaa in aan hotelo iyo guryo ka dhex dhisano, sidaas sax ma ahan. Waxaa loo baahan yahay bal inaan horta Muqdisho kaliya amnigeeda xaqiijino kana sifayna cadowga.”
Dhinaca kale, Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay in dhismaha laamigii isku xirayay Muqdisho iyo Jowhar uu ku istaagay magaalada Balcad.
Raysal wasaaruhu wuxuu sheegay in sababo amni darteed loo dhaqaajin waayay laamigaas, isagoo caddeeyay in haatan halis loogu jiro in mashruucaas uu istaago.
Wuxuu sheegay inuu mashruucu labo jeer waqtigiisii dhacay oo haddana dib loo cusboonaysiiyay, isagoo intaas ku daray in dowladda maalgalisay mashruucaan ay u sheegtay dowladda Soomaaliya, in laamiga inta harsan Muqdisho lagu dhiso.
