
Raysal wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa golihiisa wasiiradda ka mamnuucay inay shaqo joojin ku sameeyyaan masuuliyiinta xafiisyadooda, iyadoo aan loo marin dastuurka iyo sharciga shaqaalaha dalka.
Raysal wasaaraha ayaa sheegay inay muhiim tahay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha dowladda iyo ku dhaqanka sharuucda dalka, wuxuuna golihiisa wasiiradda faray inay la tashi kala sameeyaan tallaabo kaste oo arrintaan ku saabsan.

