
Wasiirka cusub ee wasaaradda diinta iyo awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya Shekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa hadal kooban ka jeediyey munaasabad uu maalintii shaley xilka kula wareegay.
Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa balan qaaday in mudada uu joogo wasaaraddaan uu ku dadaali doono in si dhab ah uu u guto xilkiisa, isla markaana ay amaano ahaa doonaan waxa loo dhiibay.
Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ka shaqey doono in wasaaradaan ay noqoto mid ka soo dhalaasha magaca ay wadato ee awqaafta iyo arrimaha diinta, “Wixii tabar bini’aadam ah oo la qaban karo ayaan qaba doonaa,” ayuu yiri.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goobjoog ahaa munaasabadii uu xilka kula wareegay Roobow, “Wasaaradaan ahmiyada ay leedahay magaceeda ayuu ka muuqdaa, anaguna islaam ayaan nahay, waxay wasaaradani noo xil saaran tahay inay noo ilaaliso caqiidadeena saxiixa ah,” ayuu yiri.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Mukhtaar Roobow kula dardaarmay in wasaaradani ay jiheyso fahamka bulshada, “Culumadu waa inay noqoto caganta midi gee dowladdu ay amniga kaga shaqeyneyso, waxaan rabnaa in culumadu ay bulshada u sheegto qaladkooda, iyagoo ku saleynaya shareecada islaamka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Asc bahda daafeet media yasin abikir iyo xirtiisa
Comments are closed.