
Kulan farriin siyaasadeed xooggan loogu diray hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa waxaa isugu yimid siyaasiyiin horey aan waxqabad looga baran oo in mudo ahna kusoo jirey siyaasada dalka kuwaasi oo ay mid ahaayeen Shariif Xasan, Maxamed Cusmaan Jawaari, Maxamed Aadan Fargeeti, Ilyaas Xasan Cali iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed.
Hase yeeshee, shakhsiga ka qeyb-galkiisa ay hadla haynta xooggan abuurtay ayaa ahaa wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, oo dhowaan laga soo daayey xabsi uu ku jiray saddex sano iyo bar kadibna lagu abaal-mariyey xil wasiir.
Shirkan ayaa ahaa kii labaad oo ay yeeshaan Siyaasiyiintan Koonfur Galbeed iyo kii ugu horreeyey ee uu ka qeyb-galo Sheekh Mukhtar Roobow oo xirnaa shirkoodii hore oo looga dhowaaqay isbaheysi ka dhan ah Laftagareen.
Shirka ayaa lagu sheegay inuu ahaa munaasabad soo dhoweyn ah oo loo sameeyey Mukhtaar iyada oo dhanka kale ay siyaasiyiintaasi uga faaiiideysanayeen iney fariin ugu diraan hogaamiyaha maamulka koonfur galbeed cabdicasiis lafta gareen oo uu xiligiisu gabagabo yahay.