
Dowladdaha Uganda iyo Soomaaliya ayaa magaalada Kampala ku kala saxiixday heshiis is-garad ah oo ku saabsan iskaashiga difaaca.
Heshiiskaan ayaa ka dambeeyay, kadib markii ay kulan magaalada Kampala ku yeesheen wasiiradda gaashaandhigga labada dal.
Wasiirka gaashaandhigga Uganda ayaa sheegay inay ka go’an tahay is-afgaradka la isla meel dhigay in lagusoo bandhigidoono inta lagu guda jiro shirka madaxda labada dal ee loo qorsheeyay 8-11 Ogosto 2022 Kampala.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu ku booriyay labada dhinac in ay meesha ka saaraan danaha dibadda ee la doonayo in lagu kala qeybiyo dalalka walaalaha ah.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Uganda soo dhaweynta isaga iyo wafdigiisa.