Golaha wasiirada cusub oo maalinta berito la horgeyn doono golaha shacabka si loo ansixiyo

0
406

Guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey goorta codka kalsoonida loo qaadayo golaha wasiirada cusub ee uu dhowaan magacaabay, ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Xamza Cabdi Barre.

Qoraal ka soo baxay guddoonka baarlamaanka ayaa lagu wargeliyey xildhibaannada in beri oo Axad ah uu jiro kulan-weynaha golaha shacabka oo ka dhacaya Villa Hargeysa.

Xildhibaannada ayaa laga codsaday inay soo xaadiraan kulankaan oo muhiim ah, waxaana ajendaha uu yahay anisixinta golaha wasiirada magacaaban ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa golaha shacabka Soomaaliya hortegi doono ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo marka hore xildhibaannada Soomaaliya weydiisan doono inay meel-mariyaan xukuumadda uu soo dhisay, si ay gudato waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Golaha wasiirada ee magacaaban ayaa maalmihii u dambeeyey waday kulamo xod-xodasho ah oo ay xildhibaannada uga codsanayaan inay meel-mariyaan xukuumadda cusub, taas oo durbo la kulantay dhaleeceyn yga imaaneysa dhinacyo kala duwan iyo maamullada qaar.