
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta diyaarado dagaal oo ay leedahay dowladda Itoobiya ay duqeyn dhinaca cirka ah ka geysteen degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolkaasi Hiiraan.
Diyaaradaha ayaa duqeymaha sigaar ah uga geystay buurta surtaag oo ku aadan deegaanka bacda iyo degaannada Qabno iyo Coowmaad oo kuyaalla inta u dhaxeeysa degmooyinka Mataaan & Maxaas, halkaas ay fariisin ku leeyihiin Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, sida dadka degaanka ay sheegeen.
Goobjoogayaal ayaa ku waramay inay maqlayeen dhawaqa weerarka duqeynta ah , balse ilaa iyo hadda aysan cadeyn karin khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay duqeyntaas.