Ciidamada dowlada oo alshabab kala wareegey deegaano ka tirsan gobolka shabelaha hoose

0
400

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degaano katirsan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa Ciidamada sigaar ah waxaa ay uga fuliyeen degaannada kala ah Baladul Amiin, Buulo Cadey, Buulo war muusow, Buulo jamal eenow oo dhammaantood katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Ururka 64 Aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Cali Cabdullaahi Halac oo Howlgalka Hogaaminayey ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay burburiyeen, Fariisimo iyo Goobo Maxkamad u ahaa Al-Shabaab.

Sidoo kale taliyaha waxaa uu sheegay in weli Ciidamada ay howlgalka sii wadaan, isla markaana ay ka go’an tahay inay degaannada Gobolka Shabellaha Hoose ka saaraan Al-Shabaab.