Qarax miinada dhulka lagu aaso ah oo maanta ka dhacay isgoyska tarabuunka

0
826

Qarax nooca miino dhulka lagu aaso ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka Isgoyska Tarabuunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay in lala beegsaday gaari Cabdibile ah oo maraayay wadada.

Dad goobjoogayaal ahaa oo warbaahinta la halay ayaa waxay sheegeen in gaariga ciidan ee qaraxa ka badbaaday ay saarnayeen ciidamo farabadan, hayeshee qaraxa uu sababay dhimashada 2 ruux oo shacab ah iyo dhaawac intaasi ka badan.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta qaraxa ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya, kuwaas oo mudo kooban xayiray isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha wadadaasi isticmaalayay, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halkaasi inkastoo aanan la sheegin cid ay usoo qabteen qaraxaasi.