
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ka hadlay xaaladaha amni ee degaannada Maamulkaas iyo weeraradii kala duwanaa oo ay Al-Shabaab ka geysteen degaano katirsan Maamulkaas.
Qoor Qoor oo Maanta furay kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato u soo maleegeen dadka Reer almudug, isla markaana ay kusoo qaadeen weeraro aan kala joogi laheyn, hayeeshee Maamulka Galmudug oo kaashanaya Shacabkooda ay ka guuleysteen.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray Madaxweynaha in sidoo kale ay jireen kooxo abaabulan oo doonayay sharci darro, sidoo kalena Galmudug iyo Shacabka ay ka guuleysteen, welina Reer Galmudug ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan cid kasta oo qorsho dagaal u soo maleegeysa.
