Alshabab oo weerar jidgal ah ku qaatey Maamulka deegaanka lambar konton

0
330

Xubno katirsan ururka Al-Shabaab ayaa weerar jidgal ah ku qaaday Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Guddoomiyaha degaanka lanbar-konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Taliyaha Amniga degaanka, xilli ay ka yimaadeen magaalada Marka.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay Aaga degaannada Ceel Wareegow iyo Kali Caafimaad, waxaana mas’uuliyiintaan ay ka yimaadeen tacsida Guddoomiyihii maaalada marka ee dhawaan qaraxa ismiidaaminta ahaa lagu dilay, taas oo ka dhacday Gudaha degmada Marka.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in weerarka kadib uu dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray Ciidamada ay wateen Guddoomiyaha degaanka lanbar-konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Taliyaha Amniga degaanka, kaas oo geystay khasaaro kala duwan.