
Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa markii ugu horraysay soo saartay war-saxaafadeed ay uga hadlayso dagaalkii dhawaan dhex maray Al-Shabaab iyo ciidamada Dowlad Deegaanka oo gacan ka helayay militeriga federaalka Itoobiya.
War-murtiyeedkan oo ahaa mid la sugayay in muddo ahba ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab la gaarsiiyay khasaare xooggan. Waxaa kale oo lasoo tebiyay inay sii badanayso tirada xubnaha Al-Shabaab ee lagu qabanayo gudaha Itoobiya, gaar ahaan gobolka Afdheer.
Hoggaanka Al-Shabaab ayaa dhankooda horay u sheegay inay guulo ka gaareen dagaallada labo jeer ka dhacay deegaannada xadka u dhow.
Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka.
War-saxaafadeedkan ayaa si buuxda ugu saabsan faahfaahinta dagaalladii isxigay ee ka dhacay magaalooyin u dhow xadka kala qaybiya Itoobiya iyo Soomaaliya, kuwaasoo ay ku lug lahaayeen Al-Shabaab iyo ciidamada Liyu Booliska ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Xogta lagu sheegay waxaa ka mid ah in 85 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Feerfeer ee ku taalla xadka ay Itoobiya la wadaagto gobolka Hiiraan.
Dagaalkii ka dhacay gobolka Afdheer, oo ilaa hadda lagu soo warramay in uu si goos goos ah u socdo ayaa isagana lagu dilay Al-Shabaab ay tiradoodu gaarayso 209 xubnood, sida lagu sheegay warkan kasoo baxay dowladda federaalka Itoobiya.
“Al-Shabaab damacoodu waxa uu ahaa in ay ka gudbaan deegaanka Ceel-Karri si ay u gaaraan dhulka jooggiisu sarreeyo ee ka billowday halkaas iskuna xira deegaannada Soomaalida iyo Oromada si ay khalkhal u sameeyaan jabhadna halkaas uga noqdaan iyagoo ku biiraya kooxda Shene,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay dowladda dhexe.
Waxyaabaha kale ee war-saxaafadeedka lagu sheegay waxaa ka mid ah in Itoobiya ay gacanta ku dhigtay saddex ka mid ah qalabka isgaarsiinta ee ay Al-Shabaab adeegsanayeen, kuwaasoo la sheegay in ay tiradooda guud ahayd afar.
Mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya warkan kuma aysan qeexin qorshahooda xiga ee ku saabsan dagaalka iyo tallaabada ay qaadi doonaan, waxa uuna walaac ka taagan yahay amni darrada kasoo cusboonaatay deegaankaas.
Hase yeeshee Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Cumar, oo dhawaan gaaray furinta hore ee dagaalka ayaa sheegay in “la abuuri doono aag ka caaggan Al-Shabaab oo ka mid ah gudaha Soomaaliya”.
